Maryan Qaasim oo loo dhiibay Wasaarad cusub oo muhiim ah

Dr, Maryan Qaasim Axmed ayaa loo magacaabay wasaarada gargaarka iyo maareynta masiibooyinka oo ah wasaarada ku cusub marka la eego guud ahaanba gollaha wasiirada Soomaaliya.

Magacaabista wasaarada cusub ayaa la oran karaa waa mid timid waqti xasaasi ah oo siweyn loogu baahnaa, madaama xiligan dalku uu wajahayo xaalad adag oo ka dhalatay abaar saameyn weyn ku yeellatay dadka iyo duunyada, dhinaca kalana socdaan dadaalo la doonayo in loogu gurmado dadka ay abaartu saameysay.

Wasaarada ayaa sida muuqada ka shaqeyn doonta guud ahaanba isku daba-ridka arimaha gargaarka iyo ka hortaga masiibooyinka.

Ugu danbeyntii Maryam Qaasim oo horay wasiir uga soo noqtay xukuumadii uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa madaxweyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu xasuustaa wax qabad iyo in arimaha bulshada ay ku soo kordhisay wax badan oo la taaban karo, iyadoo soo maamushay dhowr wasaaradood oo leysku geeyay

Be the first to comment on "Maryan Qaasim oo loo dhiibay Wasaarad cusub oo muhiim ah"

Leave a comment