Kuuriyada waqooyi oo ku guuldaraystay tijaabo gantaal

Mareykanka iyo Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in tijaabo gantaal oo ay sameysay Korea-da Waqooyi ay fashil ku dhammaatay.

Afhayeen u hadlay taliska ciidamada Mareykanka ee Pacific-ga ayaa sheegay inay u muuqatay in ganataalka uu qarxay dhowr ilbiriqsi kadib markii laga tuuray jasiiradda Kalma, ee ku taalla qeybta bari ee dalkaas.

Milatariga Korea-da Koonfureed ayaa iyaguna sheegay in bilowgii tijaabada ay u muuqata mid aan caadi ahayn.

Labada dalba ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan nooca gantaal ee la tijaabiyey, waxaana labaduba ay sheegeen in weli ay wadaan inay taxliiliyaan wixii dhacay.

Horaantii bishan, korea-da waqooyi waxay tijaabisay afar gantaal oo nooca kuwa la hago ah, kuwaasi oo ay ku riday meel ka baxsan xeebta Japan, ayada oo kaga jawaabeysa dhoolatusyada milatari ee Mareykanka iyo Korea-da Koonfureed oo ay Korea-da Waqooyi u aragtay isu diyaarin dagaal.

Be the first to comment on "Kuuriyada waqooyi oo ku guuldaraystay tijaabo gantaal"

Leave a comment