Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda nayrobi

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho rasmi ah ku tagi doono.

Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee uu mid ka mid ah dalalka deriska ah ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa ah, tan iyo markii xilka loo doortay bishii February ee sanadkan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kaga qeyb galaya magaalada Nairobi shir madaxeed gaar ah oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga, kaasoo ay yeelan doonaan Madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Kenya, iyagoo yeelan doona kulan gaar ah oo ay kaga wada hadlayaan xiriirka labada dal, iskaashiga, amniga iyo arrimo kale.

Qaban qaabada lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo shalay ka socotay Nairobi, iyadoo lagu wado in si heer sare ah loo soo dhoweeyo.

Be the first to comment on "Madaxweyne Farmaajo oo kusii jeeda nayrobi"

Leave a comment