Video:-Xildhibaanada Fadaraalka oo wada Guux iyo olale xoog leh oo ay kaga soo horjeedaan Wasiirada cusub

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah illaa 68 Mudane oo ka soo horjeeda Xukuumadda cusub ee la soo magacaabay ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistii Wasiirada cusub, waxaana uu sheegay inay codka kalsoonida aanay siin doonin.
“Nagalama tashan, dad gaar ah oo saaxibo yihiin oo hey’ado iskala shaqeyn jireen ayuu kala tashaday, anagana albaabada ayaa nagala celinayay, waxaa sameyn doonaa marka la hor-keeno Baarlamaanka ayaa codka kalsoonida u diidi doonaa, mana la shaqeyn doono”ayuu yiri Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah ay Muqdisho ku yeelan doonaan kulamo ballaaran oo ay ugu soo hor-jeedaan Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Guux badan ayaa ka soo baxayay Xildhibaanada Baarlamaanka, tan iyo markii lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada, waxaana jiray Xildhibaano doonayay inay ka soo muuqdaan Golaha Wasiirada oo iska waayay liiska, gaar ahaan Xildhibaanadii ka soo horjeeday dowladdii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii u ololeynayay is bedelka,hoos ka daawo muuqaalka

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Xildhibaanada Fadaraalka oo wada Guux iyo olale xoog leh oo ay kaga soo horjeedaan Wasiirada cusub"

Leave a comment