Video+Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Nayrobi

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo si weyn  loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdigiisa waxaa soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo uu ka mid yahay Aadan Barre Du’aale  Aamina Maxamed wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya iyo madax kale, waxaana wehlisa madaxweynaha Marwadiisa.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb-geli doona shirka IGAD oo ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin abaaraha Soomaaliya ka jira iyo ajendeyaal kale.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah marti qaad uga heysta dhiggiisa dalka Kenya, waxa ayna wada yeelan doonaan wada hadallo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video+Sawiro:-Madaxweyne farmaajo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Nayrobi"

Leave a comment