Wakiilka Qaramada midoobey ee Somaliya oo hanbalyo udiray Golaha Wasiirada cusub

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu ammaanay golaha wasiirada ee uu shalay magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Ergeyga gaarka ah ee xogahayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa bartiisa twitter-ka kusoo qoray qoraal uu ugu hambalyeynayo xukuumadda cusub, gaar ahaan doorka haweenka laga siiyey.

“Hambalyo golaha cusub ee xukuumadda lamagacaabay oo ay kujiraan lix haween ah, waxaan rajaynayaa inay horay u socoto, kana shaqayn doonto baahiyaha, ammaan, horumar iyo wax ka qabashada abaarta kajidha Soomaaliya”, Ayuu yiri Keating.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay ra’iisul wasaare Khayre xukuumaddiisa ku soo daray ilaa lix haween ah oo ay kujirto wasiirad cusub oo loo magcaabay wasaarad dalka ku cusub.

Be the first to comment on "Wakiilka Qaramada midoobey ee Somaliya oo hanbalyo udiray Golaha Wasiirada cusub"

Leave a comment