Video+Sawiro:-Daawo soo dhaweyntii maqaabkeedu sareeyay ee Madaxweyne farmaajo loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyada fadaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ay uga bilaabatay Dalka Kenya booqasho saddex maalmood qaadanaysa oo rasmi ah.
 
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta maanta oo Khamiis ah. w
 
Labada Madaxweyne ayaa kulankoodii manata uga wada xaajooday arimo ay ugu muhiimsanaayeen,
 
 
A.Ammaanka,
 
B.Qaxootiga,
 
C.Abaaraha.
 
 
 
Labada madaxweyne ayaa si wada jir ah u qaban doona goor dhaw shir jaraa’id.
 
Waa booqashadii ugu horaysay ee rasmiay oo Madaxweyne Farmaajo ku yimaado Kenya tan iyo intii loo doortay Madaxweynaha Fadaraalka somaliya.
 
Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kaga qeyb galo Nayrobi kullan gaar ah oo madaxda waddamada IGAD ay ku yeelan doonaan maalinta Sabtida ah.
 
Kullankan oo ay marti gelinayso Kenya ayaa looga wada xaajoon doonaa dhawr arimood oo muhiim a.
 
Kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin:-
 
A.Arrinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya doonayso in ay dib ugu celiso Soomaaliya,
 
B.Xaaladda ammaanka,
 
C.Taageerada IGAD ee kullanka Soomaalida ee lagu qaban doono London bisha May ee soo socota.
 

Be the first to comment on "Video+Sawiro:-Daawo soo dhaweyntii maqaabkeedu sareeyay ee Madaxweyne farmaajo loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Kenya"

Leave a comment