Video:-Qarax aan sababin khasaare Nafeed oo ka dhacay Muqdisho

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla agagaarka Hotel Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa meel aad muhiim ah oo dadka ay ku badan yihiin, oo ku dhow isgoyska Xaawo taako ee magaalada caasimadda ah.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah qeybta baabuurta la dhigto ee maqaayadda.

Inkastoo uusan qaraxaasi geysan wax khasaare nafeed, haddana waxa uu sababay bur bur hanti, ayada oo baabuurka qarxa uu gebigiis burbaray,hoos ka daawo muuqaalka.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Qarax aan sababin khasaare Nafeed oo ka dhacay Muqdisho"

Leave a comment