Video:-Madaxweyne farmaajo oo khadka intarnedka uga qaybgalay shirka Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Xalay khudbad dheer ka jeediyey Shirka Golaha Amaanka Qaramada Midoobeey oo dhacay Dalka Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo oo hadda booqasho ku jooga Dalka Kenya si toos ah Aalada Internet-looga daawanayey ka jeediyey Khudbad Shirka Qaramada Midoobeey oo ka dhacay Magaalada Washington.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday waxyaaabo ay ka mid ahaayeen inay Qorshe dejisey ay Dawladiisa Nabad gelyada wax uga qabaneyso waxaana shirka looga hadlay Arimaha Amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab.

Farmaajo ayaa sheegay inay ka xun yihiin weeraradii ugu dambeeyey Ee Qaraxyada ahaa oo Shacab badan lagu laayey inta uu xilka hayey isagoo tibaaxay in Al Shabaab ay usoo jeesteen Leynta Shacabka aan waxba galabsan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Be the first to comment on "Video:-Madaxweyne farmaajo oo khadka intarnedka uga qaybgalay shirka Qaramada Midoobey"

Leave a comment