Wasiirada Arimaha Dibada ee Urur Goboleedka IGAD oo Nairobi ku shiray

Kulan Gogol-xaar ah oo ay Maanta isugu yimmddeen Wasiirrada arrimaha dibedda ee Urur Goboleedka IGAD ayaa looga hadlay Ajandaha shirka Berito la filayo inay Madaxda Gobolka kaga wada hadlaan, kaasoo ka dhici doona Nairobi.

 Shirka Berrito ayaa lagu wadaa in lagu Lafa guro arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab Kenya iyo abaaraha ka jira Waddamada Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi” Farmaajo” oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa Shalayto baaq u jeediyay beesha caalamka, kaasoo ku aaddanaa in si weyn loogu gurmado Dadka ay saamaysay abaarta ee ku dhimanaya gudaha Soomaaliya.

Be the first to comment on "Wasiirada Arimaha Dibada ee Urur Goboleedka IGAD oo Nairobi ku shiray"

Leave a comment