Gudoomiyaha Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Africa Ndumiso Ntshinga iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo sabti ah Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdi balaadhan oo uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Africa Ndumiso Ntshinga.

Dhamaan Safiirada shan iyo Tobanka wadan ee xubnaha ka ah Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Africa ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyadoo ay wehelinayeen khuburo dhinaca amaanka ah

Madaxweynaha Jubbaland ayaa marka hore uga mahad celiyay kaalmada dalalka Midowga Africa ay siiyaan Soomaaliya gaar ahaan dhinaca amaanka isagoo sheegay in AMISOM ay kaalin muuqata ku leedahay Hormarka wadanka Soomaaliya waxaana uu ku booriyay dalalka Midowga Africa gaar ahaan Golaha amaanka iyo Nabadgalyadu in ay Soomaalida ku garab istaagan qorshaha Dhismaha Ciidamada Qaranka maadama ay tahay sida kaliyah ee dhibaatada lagaga bixi karo.

Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ka hawlgalaan Ciidamo kasocda AMISOM oo Nabadgalyada kala shaqeeya Ciidamada iyo Hay’adaha amaanka Dowlada waxaana uu hoosta ka xariiqay in loo bahan yahay in la dardar galiyo dhamaan dadaalada nabadgalyada Gobolka.

Gudoomiyaha Golaha Amaanka iyo Nabadgalyada Midowga Africa Ndumiso Ntshinga. ayaa sheegay in Jubbaland ay tahay Tusaale wanaagsan oo hananka amaanka iyo Dowlad wanaaga lagaga dayan karo.

Midowga Africa ayuu sheegay in ay Jubbaland ka caawin doonan dhamaan hawlaha la xiriira Nabadgalyada oo uu xusay in Jubbaland ay guul ka gaartay taas oo u baahan in lasii adkeeyo.
—DHAMMAAD—