Jawaari oo Rw Khayre iyo Golahiisa wasiirada u qabtay 7-casho

Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si cad uga hor yimid golaha cusub ee wasiirada dhowaan uu ku dhawaaqay ra’isulwasaare Kheyre.
 
Jawaari ayaa ra’isul wasaaraha u diray qoraal uu kaga dalbanayo inuu kaga laabto magacaabista golaha wasiirada ka hor inta aan la horgeynin baarlamanka si ay u ansixiyaan ama u diidaan.
 
Qoraalka hoose ee guddoonka baarlamanku u diray raisul wasaaraha waxaa la socda qoraal kale oo xildhibaano 105 gaaraya u direen gudoonka kaasoo ay sheegayaan in raisul wasaaraha uu hareer maray nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5.
Halkan ka akhriso:-