Madaxda IGAD oo maanta ku shiraya Nayrobi

Madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa maanta magaalada Nairobi ku leh kulan gaar ah oo ay uga arrinsanayaan sidii xal waaro loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida.

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacsan gudaha dalalka bariga Afrika. 1.1 milyan oo ka mid ah barakacayaashaasi waxay ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horraysay tan iyo markii la doortay fursad u heli doona in uu la kulmo hoggaamiyaasha dalalka IGAD oo afar ka mid ah ciidammadooda ay ka howlgalaan Soomaaliya. Dalalkaasi waxay kala yihiin Kenya, Itoobiya, Jibouti iyo Uganda.

Qabashadan kullankan IGAD oo ay sidoo kale riixayso hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa uu qeyb ka ahaa arrimihii ay madaxda IGAD ku heshiiyeen shir madaxeedkii Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii la soo dhaafay.

Be the first to comment on "Madaxda IGAD oo maanta ku shiraya Nayrobi"

Leave a comment