Ra’isalwasaare Khayre oo ku booqday Isbitaalka Abwaan Sangub iyo Saynab Cali Baxsan

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golahiisa wasiiradda ee magaacaaban ayaa  ugu horayn booqday  fananada wayn ee Soomaaliyed Saynab Xaaji  Cali Baxsan oo ka mid ah fananinta hoboladda qaranka waabari  oo qaliin loogu sameeyay xameetidda taas oo ku jirta Isbitaalka Blue  Star ee magalaadda Muqdisho.

 

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa  fanaanida Seynab Xaaji Cali Baxsan   iyo  Dhakhtarka qaliinka ku sameyey ka wareystay xaaladeeda Caafimaad, isagoo    xusay in ujeeda uu ugu yimid ay tahay in uu la qaybsato xanuunka maadama ay  tahay  fanaanad qaran oo dalkaan horumarkiis a qayb wayn ku leh , waxaa  uu u rajeeyey xaafimaad deg  deg ah in alle siiyo.

 

 

Dhanka  kale, Ra’iisul Wasaaraha  Xukumadda Federaalka Soomaaliya, guddooomiyaha  Aqalka Sare  Cabdi Xaaji Cabdullahi , Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo  xubno ka tirsan  golaha wasiiradda  magacaban  ayaa cisbitaalka  Erdogan Ex. Digfeer ku booqaday  bukaano ay ka mid  yihiin  sii hayaha xilka wasiirka dekadaha iyo  gadiidka badda ,  Abwaan   Maxamuud  Cabduulahi   Ciise Singub ,film qaade Cabdixamiid  Karazay  oo ka tirsan  Tvga  Universal  iyo hooyadda xildhibaan  Cabdifataax Geesay.

 

 

Booqashadda ra’iisul wasaraha Kheyre  uu ugu tagay  muwaaniinta Soomaaliyeed ayaa ah sidi u ula qaybsan lahaa  xanuunka, iyo in uu  u muujiyo in dowladdu garab tagan tahay  dadkeeda xanuunsan iyo kuwo taagta daran.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo warbaahinta qaranka kula hadlay  Isbitaalka  Erdogan ayaa  dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is taageeraan  una  duceyey  inta xanuunsan in alle ka dulqaado xanuunka haya.