Sawiro:-Shir madaxeedkii madaxda IGAD oo Nayrobi kusoo gabagaboobay

Madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa maanta magaalada Nairobi ku yeeshay kulan gaar ah oo ay uga arrinsanayeen sidii xal waaro loogu heli lahaa qaxootiga Soomaalida.

In ka badan 2 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacsan gudaha dalalka bariga Afrika. 1.1 milyan oo ka mid ah barakacayaashaasi waxay ku suagn yihiin gudaha Soomaaliya, sida ay sheegtay hay’adda Qaramaa Midoobay u qaabilsan Qaxootiga.

 

 

Madaxweyne Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in dalkiisa uusan aqbeli karin in xerada qaxootiga ee Dhadhaab ay hoy u noqoto ‘argagixisada’.

Kenyatta oo dalkiisu uu martigeliyay qaxoooti badan oo Soomaali ah ayaa ku baaqay in xal deg deg ah oo waaro loo helo mashaqada qaxootiga.

“Waxaan nahay dalka martigeliyay tirada ugu badan ee qaxootiga Soomaalida iyo xerada qaxooti ee ugu weyn caalamka oo dhan. Waana ku faraxsanahay in shirkan muhiimka ahna aan martigelinay. Waxaan aaminsanahay in qaxootiga Soomaalida ay xaq u leeyihiin nolol sharaf leh”, ayuu yiri Kenyatta oo furay kulan madaxeedka.

Kenya ayaa horay u sheegtay in ay albaabada u laabayso xerada qaxootiga ugu wayn dunida ee Dhadhaab meesha lagu gaaro bisha afraad ee sanadkan, waxayna bilawday qorshe uu qaxootigu iskii dib ugu laabanayo Soomaaliya.

 

 

Wakiil ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, George Okoth-Obbo oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in dalalka IGAD aysan ku adkeysan dib u celinta qaxootiga oo kali ah balse ay si niyad furan u raadiyaan xal kale.

“Waddamada martigelinaya qaxootiga waa inay xalka qeyb ka qataan oo qaxootiga ay tusaale ahaan u oggolaadaan inay ku dhexmilmaan bulshada martigelisay”, ayuu yiri Obbo.

 

 

Qabashada kullankan IGAD oo ay sidoo kale riixayso hay’adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa uu qeyb ka ahaa arrimihii ay madaxda IGAD ku heshiiyeen shir madaxeedkii Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii la soo dhaafay.

Mas’uul u hadlay urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in xasiloonida siyaasadeed iyo amni ee ka hanaqaaday Soomaaliya iyo cadaadiska dalalka deriska ah ka haysto martigelinta qaxootiga ay dhiirigeliyeen dardargelinta dadaallada xal kama dambeys ah loogu raadinayo qaxootiga Soomaalida.

 

 

 

 

 

 

 
%d bloggers like this: