Jawaari iyo Khayre oo kulankoodii faashil kusoo dhamaaday

Rw Xasan Cali Kheyre ayaa muhiim ahaa la qaatay guddoomiyaha Baarlamanka Somaliya Maxamed Cismaan Jawaari.
 
Labada masuul oo Kulankoodu ahaa mid saacado badan qaatay albaabaduna u xirnaayeen,ayaa wararka hoose ee laga helayo ilo ku dhow dhow, waxay sheegayaan in aan laga gaarin wax is afgarad ah.
 
Ra’isul wasaaraha Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa heysta muddo lix maalmood ah oo uu Baarlamanka ku horgeeyo golihiisa cusub ee wasiirada,
 
Jawaari ayaa shalay soo saaray war qoraal ah oo ku socda Ra’isalwasaare Khayre,kaasoo ku aadan in uu wax ka badal ku sameeyo golahiisa wasiirada inta uusna horkeenin Baarlamaanka.
 
Jawaari ayaa qaatay talo soo jeedin ka timid xildhibaano boqol kor u dhaafaya oo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, waxayna sheegeen in ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inuu dib ugu laabto golahiisa wasiirada.
Lama sadaaalin karo in Rw Kahyare u hogaansami doono soo jeedinta Baarlamaanka iyo in kale.