Qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho maanta

Laba Qarax, ayaa maanta ka dhacay degmooyinka Waaberi  iyo Dharkeynleey ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxii koowaad, waxaa uu ahaa gaari lagu xiray qarax oo ku qarxay nawaaxiga isgooyska dabka ee magaaladda Muqdisho.wax khasaara ahna kama dhalan.

Qarax labaad ayaa  Gaarigiisa loogu xiray mid ka mid ah Ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan mudanayaashii Barlamaanka kasoo galay Degaanada Hirshabeelle.

Qaraxa gaariga ayaa waxaa uu ka dhacay, Degmada Dharkeynley gaar ahaan agagaarka Ajabka ee xaafada Dabakaayo Madow.