Toogasho ka dhacday Ohio ee dalka Maraykanka

Masuuliyiin ku sugan magaalada Cincinnati ee gobolka Ohio ee dalkan Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof la toogtay, kuwaas oo qof ka mid ah xaaladdiisu ay halis tahay, ka dib markii xalay rasaas lagu furay xarun lagu caweeyo oo dad badani ku sugnaayeen.

Sarkaal boolisa ayaa sheegay in waxa ka dhacay goobtan lagu caweeyo ay masiibo ahayd.

Sarkaalka ayaa sheegay in boqollaal qof ay goobta ku sugnaayeen marka rasaasta lagu furay xaruntan lagu caweeyo ee ku taalla gobolka Ohio, illaa haddana lama sheegin in cid lala xiriirinayo  weerarkan.