Video:-Shariif Xasan”Waxaan magacaabaya Rw uu yeesho maamulkaygu”

Madaxweynaha maamulka Koofur-galbeed Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, iyo khilaafka ka dhex jira Baarlamanka ee ku saabsan xukuumaddaas.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo, ayaa waxa uu taageeray xukuumadda cusub, isaga oo Baarlamanka ugu baaqay in ay kalsoonida siiyaan xukuumadda.

Shariifka ayaa waxa uu tilmaamay in howla badan oo ay beesha caalamku la qaban lahayd Soomaaliya ay u xayiran yihiin xaaladda kumeel-gaarka ah ee lagu jiro, sidaas darteedna ay lagama-maarmaan tahay in degdeg loo ansixiyo xukuumadda, si ay u qabato howlaha qaran ee yaalla.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday marka la ansixiyo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya, in uu horey ka soo magacaabi doono Ra’iisal Wasaarihiisa.

Wuxuuna yiri: “Ra’iisal Wasaare ayaan rabnaa inaan samayno, Xukuumadaas haddii la ansixiyo qalinka iyo buuga waa ay is dul saaran yihiin. Horey ayaan uga dhawaaqaynaa, wax dhib ahna ma jiraan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha, ayaa yiri raaciyay hadalkiisa “Laba Wasiir ma samayn karno, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gaashaandhigga. Tiro kasta oo ay yihiin labadaas ayaan ka reebaynaa inta kale waan samaynaynaa.”hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

.