Xaasid iyo Damaaci (Sheeko Gaaban).WQ.Maxamed C. Xasan ”Alto”

Xaasid iyo Damaaci (Sheeko Gaaban)

Waxaa la wariyey waa waayada ka mid ah in kob ay ku wada noolaayeen Xaasid iyo Damaaci. Shakhsiba qofka kale ayuu ximiyaa. Ma jirinnin mid ka kale wax u oggol ama okobban. Hawlihii deegaanka ayaa xayirmay. Labadooda uun ayaa is eegta oo faylasha is jara. Bardooddankoodii baa beeshii ku burburtay oo ku ag baabba’day.

Maalintii dambe, cuqaashii iyo caaqiliintii degmada ayaa Damaaci iyo Xaasid isugu yeerey. Waxaa loo qabtay shir weyn oo ay ka soo wada qayb galeen dhammaan guurtidii, isimmadii, islowyadii, malaaqyadii, suldaammadii, iyo culimmadii diinta ee deegaanka.

La waraysay oo waxaa lagu yiri: “Annagu labadiinnan, waannu idinku danseegney. Luggooyadiinnii iyo iimaandarradiinnii ayaa lug iyo laba na gooyey. Deegaankii waalli, wareer iyo waxyeello, magac-xumo, sumcad-dhimaal iyo sharafdarro baad u soo jiiddeen. Qunjuraafkiinnii, jillaafooyinkiinnii, iyo jalaalaqadiinnii waxaa ku jajabay maatadii iyo carruurtii. Aayaheennii halis ayuu ku sugan yahay. Gurboodkii yaryaraa ee mustaqbalka beesha, waxay khatar u yihiin inay ku indha-bikaacsadaan beladaad walaaqataan. Qoysas tiro badan baa ka dibadbaxay beeshii oo la baxsaday dhallaankoodii iyo naftoodii oo galay shisheeye muskood. Dhalanrogid, dhaqandoorsan, iyo dhulkeennii facaha soo degganneen in nala dhaafsho baannu taako u jirraa. Bal noo warrama, maxaadse isku haysataan?”

“Afkiinna caano lagu qabaye,” Damaaci ayaa hadalkii qaatay oo ku hormaray, “Anigu sidaad igu taqaanniin, waxaan ahay ruux damac badan. Hunguriweyni baa wax kasta i dhaafisa oo waxba ma cafiyo, sharci iyo sharcidarro. Waxaan jeclahay in shay walba xaggayga uu u soo hoydo. Ninkakan Xaasid ahna, sidoo kale waad garannaysaan, waxba iima oggola. Wuxuuba lid ku yahay oo ka soo horjeedaa inaan, innaba ha yaraatee, waxba helo, xalaal iyo xaaraan – kuu doono ha ahaadee. Haddaba waxaan soo jeedin lahaa, waa hadduu fekreddayda Xaasid igu raaco, in aad idinku hawshaan ka talo baxdaan. Annaga ayaa ku filan in aannu xiisadda daminno oo qaboojinno.“

“Waa sidaa uu Damaaci sheegaye,” Xaasid ayaa doorkiisii hadalka qaatay, “Marka hore, xaajadan furdaaminteedu annaga ayaa ku filan oo idinkaga faro dhuudhuuban. Cuqaashii, culimmadii, iyo cirroolihii carriga haddii aad tihiin, waxaad ku caloolsamaataan in cabashadiinaas wax laga qaban doono.”

Ruugcadde, ka mid ahaa imaammadii deegaanka, ayaa waano u jeedshey: “Aannu idiin ducaynno, wiilashadeenniiyow, reerka rabshada ka daaya oo beeshu yeeyan mar kale rogmin!” Dardaarankaas ayay duqeydii dooddoodii ku soo afjareen.

“War maxaynnu ka yeellaa, waad aragtaayoo xaajo dhanaanaatay?” Xaasid baa weyddiiyey Damaaci ka dib kolkii ay odayadii ka yimaadeen.

“Waynnu u carrab-laadlaadinaynnaa, teennaanuse ka wadanaynnaa. Miyeeyan ahayn?” Damaaci ayaa su’aalay.

Kuye Xaasid, “Haaheeyo, waa caynkaas. Sheekada odayadu inama soo daakhisho oo sinnaba inooma soo gasho. Taa waynnu isku raacsannahay. Ogsoonowse, Damaaciyow, halkaygii baan kaa taagnahay oo waxba kuuma oggoli!”

“Waa tahaye, illayn `rag talo kama dhammaatee´, arrimiyoo, sidee u heshiinnaa?” Damaaci ayaa ku warceshey.

Suuye Xaasid, “Waxay ila tahay aynnu Waaqeen u catawnno.”

“Oo maxaynnu ka barinnaa?”

“Haddaan anigu tuugo oo iraahdo, ’Eebbow, wax i sii, oo intaad ani i siiso labajibbaarkeed ugu deeq oo sidoo kale u hibee Damaaci!’ Adigu yaboohsi habkaas ah, raalli ma ka tahay?” Xaasid ayaa su’aalay.

Kuye Damaaci, “Boqolkiiba boqol, si buuxda baan ugu laabsamahay.”

“Hagaag, halkaagaas igu dhawr, Alle ayaan inoo soo baryine!” Xaasid baa yiri.

Suuye Damaaci, “Hawraarsan!”

Xaasid waa durduriyey oo wuxuu fuulay duddun dhakadeed. Kooddii ayuu dul istaagay, gacmaha kor u taagay oo calaacalaha fidsaday:

“Ilaahow, il i tir oo intaa laballaabkeed jaallahay ugu faxnaani!”

Gebaggebadii, waxaa la sheegey in Xaasid uu il beeley, Damaacina indho waayay.

Maxamed C. Xasan ”Alto”

Helsinki, Finland, 11.11.2001 xasan_maxamed@hotmail.com