Gudoomiyaha Aqalka-sare oo ka hor yimid dalabka Aqalka-hoose ee baarlamaanka

Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay muranka ka taagan golaha cusub ee wasiirada xukuumada Somalia.

Isagoo la hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayuu sheegay Cabdi Xaashi C/llaahi in xildhibaanada aqalka hoose looga baahan yahay iney ansixiyaan golaha cusub ee wasiirada xukuumada Somalia muran la’aan.

Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku baaqay in la joojiyo kooxeysiga iyo khilaafka, loona daneeyo shacabka Soomaaliyeed.

“Xildhibaanada Baarlamanku waa iney xukuumada cusub siiyaan fursad ay ku shaqeyso, xalna uma arko in laga horyimaado iyadoo aan arkin waxqabadkeeda. Nidaamka dowladnimada inaan ilaalino ayaa fiican” ayuu yiri Cabdi Xaashi C/llaahi.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa ku booriyey xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka iney meel mariyaan xukuumada cusub, mustaqbalkana ku qiimeeyaan waxqabadkeeda, iyagoo la xisaabtamaya.
Guddoonka labada aqal ee baarlamanka Somalia ayaa waxaa muuqata iney ku kala aragti duwan yihiin golaha cusub ee wasiirada Somalia.