Hir-Shabelle oo dib usoo celisay xiriirkii wada shaqayneed ee hay’adaha Qaramada midoobey

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ay ka mid ahaayeen wasiira arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle iyo wasiirka warfaafinta,dalxiiska iyo dhaqanka Mahad Xasan Cismaan iyo xubno kale.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka dhageystay warbixino Saraakiisha QM iyagoo ka hadlay  waxqabadkooda, Iyo qorshayaasha uga degsan mashaariic fulinta deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa Ka dalbaday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Beledweyne in ay muujiyaan doorkooda kaga aadan dib u dhiska Iyo horumarinta guud ahaan deegaanada Hirshabeelle, Iyo in ay xaliyaan cabashada dadka deegaanka oo ay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidoo kale ka dalbaday Saraakiisha ka socotay Qaramada Midoobay  in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha Dowladda Hirshabelle kaalina ay ka qaataan sidii loo tayeyn lahaa.

Saraakiisha Qaramada Midoobay waxa ay soo dhoweeyeen Wasiirada Cusub ee Dowladda Hirshabeelle, waxaana ay balanqaadeen in Dowladda Hirshabelle ay si wanaagsan ula shaqeyn doonaan, ayna u qorsheysantahay dhowaan in ay mashaariicyo ay ka fuliyaan

Waxayna sheegeen wakiilada ka socday Qaramada Midoobay inay dhowaan booqan doonaan qaar ka mid ah degmooyinka dowlad goboleedka Hirshabelle sida degmada Jowhar ee xarunta dowlada goboleedka Hirshabeelle.

Kulankan ayaa yimid maalin kadib markii ay qaar ka mid ah golaha wasiirada dowlad goboleedka Hirshabeelle ay ku eedeeyeen Qaramada Midoobay inaysan waxqabad la taaban karo ka wadin dowlad goboleedka Hirshabeelle.