Dhaqaale kale oo loogu yaboohay gurmadka abaarta

Guddiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa hal milyan iyo boqol iyo konton kun oo dollar (1200.000) u qebiyay Dalka oo idil si ay ugu kaashadaan dadaallada loogu gurmanayo dadka ay waxyeelaysay abaarta ka jirta dalka.
 
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo guddigan ka tirsan, ayaa sheegay in lacagtan ay tahay qeybtii labaad ee lacag loogu talagalay gurmadka abaaraha, taas oo qeybteedii hore sidan oo kale loo bixiyay.
 
Maamulka Somaliland ayaa ka helay lacagtan 200.000 kun oo dolar (Labo boqol oo kun dolar).
 
Somaliland ayaan horay qoondo uag helin wajigii hore ee lacagta loogu talagalay gurmadka abaarta.
 
Puntland, Galnus, Jubbaland, Hirshabeelle; iyo Koofurgleed,ayaa qoondo ahaan mid walba waxuu ka helay lacagtan 150.000 oo dolar(boqol iyo konton kun oo dolar),
 
Maamulka gobalka Baaadir,ayaa qoondo ahaan ka helay lacagtna 100.000 kun oo dollar.(Boqol Kun oo Dolar).
 
Lacagtan ayaa waxay ka timdi samafalayaal isugu jira Soomaali iyo qaar kale, kuwaas oo guddiga soo marsiiyay.