Dowladda Kuwait oo 50 Melyan oo doolar ugu deeqday dadka ay abaarta Saameysay.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Kuwait Danjire Cabdul qaadir Amiin Sheikh ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaasi Kuwait waxaana uu kala hadlay sidii ay door muuqda ugu yeelan lahayd jaaliyadu u gurmashada dadka ay saameynta adag ku yesheen abaaraha ka jira Soomaaliya safiirka ayaana furay sanduuq loogu talo galay in lagu kaalmeeyo dadkaasi .

 Safiirka ayaa sidoo kale waxaa uu booqasho ugu tagay xafiisyada hay,adaha samafalka dalkaasi Kuwait kuwaas oo uu kala hadlay sidii ay Soomaaliya oo xaalad adag ku jirta ugu gurman lahaayeen waxaana uu safiirku ku guuleystay in dowladda Kuwait ay Soomaaliya u balan qaaday lacag 50 malyan oo dolar ah oo abaarta ay ugu talo gashay .

Sidoo kale safiirka waxaa uu kulan la qaatay saxaafada wadanka Kuwait si bulshada carabta si gaar ah bulshada reer Kuwait loogu gudbiyo dhibaatada abaarta Soomaaliya ka jirta saxaafaduna ay door weyn ka qaadato arintaas waxaana kulankaas uu uga codsaday in ay afkooda ugu hiiliyaan bulshada Soomaaliyeed ee muslimiinta ah ee abaarta u dhimanaya qaar badan oo ka mid ah .