Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in uu ka qeybgalo shirka Jaamacadda Carabta ee ka dhacaya dalka Urdun

Madaxda dalalka Jaamacadda carabta ayaa berito oo ku began 29-ka bisha Marso lagu wadaa in dalka Urdun ay kaga qeybgalaan shir looga hadlaayo qodobbo dhowr ah oo la xiriira arimaha siyaasadda,dhaqaalaha iyo kuwa bulshada,

 Shirkasi oo ay soo qaban-qaabiyeen madaxda dalka Urdun,ayaa la filayaa in lagu qabto magaalada Baxru Meyto oo 25-kiilo mitir koonfur galbeed kaga began magaalada Caasimadda ah ee cammaan.

Shirkaasi oo ah kii 28-aad ee u qaboomaya wadamada jaamacadda Carabta,waxaa lagu lafaguri doonaa arimo ay ka mid yihiin qadiyadda dalalka ku jira Jaamacadda carabta ,gaar ahaan dhinayada siyaasadda,dhaqaalaha iyo kuwa bulshada ee taagan xilligaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,ayaa lagu wadaa in uu berito ka qeybgalo shirka dalka Urdun uga furmaya dalalka Jaamacadda Carabta,halkaasi oo uu ka jeedin doono khudbad ku saabsan arimaha Soomaaliya,,gar ahaan sidii wax loogu qaban lahaa dowladdacusub ee xilligaan laga filayo soo celinta ammaanka dalka,gacansiinta dadka barakacayaasha ah ,dib u dhisidda ciidamada dalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

Maalinimadii shalay wasiirada Arimaha Dibadda ee dalalka Jaamacadda carabta ayaa dalka Urdub ku yeeshay shir gogol-xaar ah oo ay berito isugu imaanayaan madaxda Jaamacadda Carabta.

Dalka Muritaaniya ayaa sanadkii hore lagu qabtay shirkii 27-aad ee dalalka Jaamacadda Carabta