Ra’isalwasaare Khayre oo casho mahadcelin ah u sameeyay Xildhibaanada Fadaraalka

Muqdisho, Maarso 30. 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, isagoo ka dalbaday wada shaqeyn dhex Marta labada Hay’adood ee fulinta iyo sharci dajinta.

 Casho sharafta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale. Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre ayaana ku dheeraaaday muhiimadda ay leedahay in ay isku xirnaadaan hay’adaha Dawladda si dalka wadajir loogu gaarsiiyo horumar iyo isla xisaabtan dhab ah oo dhex mara.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM