Shaqaalaha Madaxtooyada Puntland oo ka gurmaday abaarta

Qadar lacageed oo ay ka jareen mushahaarkooda shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe ayaa waxa ay shalay 29, March, 2017 ku wareejiyeen xubin kamida gudiga taakulaynta Abaarha Puntland.

 Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha ee Madaxtooyada  Puntland Ciise Maxamuud Cumar iyo xisaabiyaha Madaxtooyada Idil Saciid Faarax ayaa lacagtaasi ku wareejiyey Shiikh Cabdiqani Qorane oo kamid ah gudiga taakulaynta Abaaraha Puntland.

Qadarka lacageed ayaa dhammayd 15,500,000 oo shilin Soomali ah taas oo ay ugu tala galeen inay kaga qayb qataan gurmadka loo fidinaayo dadka Abaaruhu sameeyeen ee ku dhaqan deegaanada Puntland, taas oo ay u garteen inay uga reebaan mushaharkooda, si loogu samatabixiyo walaalahooda tabaalaysan.

Taakulaynta lacageed ayaa ah mid laga dheehankaro dadka Soomaliyeed inay markasta u heelan yihiin inay u gargaaraan kooda dhibaataysan, ha ahaato waxa ugu yar ama waxa ugu badan ee qof bini aadan ah lasiinkaro looguna gargaari karo.