Xaaladii dega-dega ahayd oo ay dawlada Itoobiya sii kordhisay

Itoobiya ayaa afar bilood oo kale ku kordhisay xaaladda degdegta ah ee dalku ku jiro. Go’aanka waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyey baarlamaanka, kaasoo 100% uu gacanta ku hayo xisbul xaakimka EPRDF.

Go’aankan ayaan ahayn mid la yaab leh. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa horraantii bishan bidhaamiyey kordhinta, isagoo sheegay in 80% dadku ay talaabadan taageersan yihiin.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa muddo kordhintan difaacay isagoo sheegay inay muhiim u tahay in lagu fara adaygo guulihii ilaa hadda la gaaray ee ah in xasilooni dib loogu soo celiyo dalka.

Mucaaradka iyo kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyey xaaladda degdegta ah, waxayna sheegeen in loo adeegsanayo in lagu cabburiyo dadka xukuumadda dhaliila.

Boqolaal qof ayaa la dilay, kumanaan kalena bilaa maxkamad ayaa la xiray tan iyo markii banaanbaxyadu ka dheceen laba gobol oo dalka ugu waaweyn bishii November 2016.