In ka badan 20-qof oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay dalka Pakistaan

Saraakiisha dalka Pakistan ayaa sheegay in qarax bam oo xooggan uu ruxay suuq mashquul badan oo ku yaalla magaalo qabaa’ilka degaan oo dhacda waqooyiga galbeed ee dalkaas ee xuduuda Afghanistan, halkaasi oo 22 qof ay ku dhinteen in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogeyaal iyo siyaasiyiin ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay magaalada Parachinar ee xarunta maamul goboleedka Kurram lala beegsaday meel u dhow halka laga galo masjid shiicada ay leeyihiin oo u gaar ah haaweenka.

Ilaa iyo hadda ma cadda haddii qaraxa uu ahaa mid la hagayey ama uu fuliyey qof ismiidaamiyey. Ma jirto illaa iyo hadda cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda.

Dad badan ayaa si xun ugu dhaawacmay qaraxa, waxaana dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan in khasaaraha dhimashada uu sare u kici doono.

Bayaan kasoo baxay milatariga Pakistan ayaa lagu sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca loo diray goobta qaraxa uu ka dhacay, si deg deg loogu soo qaado dhibanayaasha.

Ra’iisul wasaare Nawaz Sharif ayaa cambaareeyey qaraxa, wuxuuna ku celiyey in Pakistan ay ka go’an tahay inay dalkeeda ka cirib tirto argagixisada.

Bishii Janaayo ayaa qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay isla magaaladan, waxaa ku dhintay 23 qof, ayada oo in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen.