Maraykanka oo xoojinaya la dagaalanka Alshabaab iyo Taageerida Dawlada Somaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay qorshe milateri oo dhigaya in ciidamadda Mareykanka ay dardargeliyaan dagaalka ka dhanka ah ururka Alshabaab.

Qorshahan ayaa milateriga Mareykanka u ogolaanaya in weeraro dheeraad ah oo dhanka cirka ah ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya, Sidoo kalena ay ballaariyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda.

Tallaabadan ayaa horseedi karta in ciidamo dheeraad ah la geeyo gudadaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu meel mariyay codsi ku aadanaa in taageero loo fidiyo ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaalida ee dagaalka kula jira Alshabaab.