Japan oo usoo dirtay Maraakiib dagaal Xeebaha Soomaaliya

Dowlada Japan ayaa markale u soo dirty maraakiib dagaal iyo ciidamo xeebaha dalka Soomaaliya kadib markii dhowaan lagu afduubtay markab xeebaha Soomaaliya.
 
Ciidamadan iyo maraakiibta dagaalka ayaa qeyb ka ah mashruuca la dagaalanka burcad badeeda, todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa si weyn loo hadal hayey dib usoo noqoshada kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee qaafaasha Maraakiibta maraya biyaha caalamiga ah iyo xeebaha Soomaaliya.
 
Japan ayaa kamid ah dalalka dhaqaalaha siiya maamulada ka jira dalka Soomaaliya, waxayna horey sidan oo kale ciidamo iyo maraakiib dagaal ugu soo direen gacanka cadan, wallow inta badan ciidamada caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay u badan yihiin kuwa dalalka EU-da ee qeybta ah NATO.
 
Kooxaha Soomailda qafaalata maraakiibta ayaa hoos u dhacay tan iyo sanadkii 2014, balse xiligan ayaa laga cabsi qabaa inay dib u soo noqdaan.