Jarmalka oo mudo kordhin usameeyay tababarayaashiisa jooga Soomaaliya

Sida ay  sheegtay Wakaaladda wararka Routeres barlamaanka dalka Jarmalka  ayaa maalintii Khamiista meel mariyay qaraar muddo sanad  ah loogu kordhinayo   tababarayaasha u dhashy dalka Jarmalka  ee jooga Soomaaliya.

 Barlamaanka Jarmalka ayaa sidoo kale ogolaadey in ilaa iyo 20 askari oo dheeraad ah loo soo diro Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan tababarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dowladda Jarmalka waxaa Horey Soomaaliga uga Joogey  ilaa 11 Askari oo tababarayaal ah  kuwaasoo qeyb ka ahaa tababarka Ciidamada Soomaaliya oo la dagaalamaya Malleshiyaadka argagixisada Shabaab oo falal gummaad ah ka geysta Soomaaliya.

Barlamaanka Jarmalka ayaa Go’aankan lagu kordhinayay Waqtiga tababarayasha ku sababeeyay in xasilooni daro ka dhacda geeska Afrika ay qatar ku tahay Amniga Yurub.

Xukuumadda Jarmalka  waxa ay sheegtey in tan iyo bilowgii Sanadka 2010-ka oo uu bilowdey  howsha tababarka ciidamadda Soomaaliya oo ay garwadeen ka ahaayeen Ururka Midowga Yurub  la tababaray 5400 oo askari oo Soomaali