Laba haween Somaliya ah oo maxkamad maraykan ah ay ku xukuntay xabsi dheer

A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag

Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa laba Haween Soomaaliyeed ah oo lagu soo oogay iney dhaqaale u uruurinayeen Maleeshiyada Al-shabaab ku riday xukun Xabsiyo dhowr iyo toban sano ah.

 Labadan Haween ay Maxkamadda xukunka ku riday ayaa lagu eedeeyay in ay baraha bulshada wadaagto  ka sameeyeen qol lagu sheekeysto  oo lacago loogu aruuriyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Labada Haween ee la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Muna Cismaan Jaamac, oo 36-jir ah, iyo  Hinda Cisman Dhiirane, oo 46-jir ah.

Maxkamadda ayaa Muna ku xukuntay 12 sano oo xabsi ah, halka Hinda lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.

Qareenada Difaacaya Muna iyo Hinda ayaa sheegay in lacagaha  ay u direen dad agoon ah, balse Maxkamaddu ay ka diiday arrintan oo ay ku sheegtay in kiiska haweenka lagu soo oogay uu yahay mid iska cad.