Madaxweyne Cosoble”“Hirshabeelle Deked ayay leedahay, waa Dekeda Ceel Macaan, xafiis haku yaalo, ama baraako ha ahaato ama yey ku oolin”

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo uu sii xoogeyanayo xiisada u dhaxeysa maamulkiisa iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii uu dhowaan eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka.
 
Cali Cosoble ayaa mar kale fariin u muuqatay mid siyaasadeed u diray dowladda Federaalka, isagoo sheegay in Hirshabeelle ay leedahay Deked, isla markaana dhowaan la howl geli doono.
 
Waxaa uu sheegay in dhowaan ay shaqo bilaabi doonto Dekeda Ceel Macaan, ayna u shaqeyn doonto sida dekedaha kale ee ku yaala dalka.
 
“Hirshabeelle Deked ayay leedahay, waa Dekeda Ceel Macaan, xafiis haku yaalo, ama baraako ha ahaato ama yey ku oolin, waxay u shaqeyn doontaa sida ay u shaqeeyaan Dekedaha Boosaaso iyo Kismaayo”ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.
 
Madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in shalay in hadii maamul iyo nidaam jirin gobolka uu maanta leeyahay dowlad, isla markaana ay bilaabayaan wixii hada ka dambeeya in dhamaan wixii kaabayasha dhaqaalaha la howl geliyo, ayna noqdaan maamul dakhli soo saarta, canshuurna ka hela ilaha dhaqaalaha.
 
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa dhowaan ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka inay maamulkiisa fara gelin ku heyso, isla markaana cid aan iyaga matalin siminaaro u qabatay, waxaana uu xusay in sidoo kale deegaano ka mid ah Cisaley iyo Ceel Macaad doonayaan in lagu daro Muqdisho.
 
Waxaa uu sheegay in xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa ay ka tirsan yihiin Hirshabeelle,