Shiinaha oo garka iyo xijaabka ka mamnuucay Xinjiang

Shiinaha ayaa mamnuucis garka iyo xijaabka ah ku soo rogay gobolka ku yaalla galbeedka fog ee Xinjiang, wax lagu tilmaamay olole lagula dagaallamayo islaamiyiinta xagjirka ah.

Talaabooyinkan waxaa ku jira in la mamnuuco in raggu gar “aan caadi ahayn” ay daystaan, xijaabka oo lagu xirto goobaha dadweynaha iyo in la diido daawashada TVga.

Xinjiang ayaa ah meel ay ku badan yihiin dadka Uighurs, oo ah dad Muslimiin ah oo sheega in la faquuqayo.

Sanadihii u dambeeyey ayaa waxaa gobolkaas ka dhacay dagaallo uu dhiig ku daatay.

Xukuumadda Shiinaha ayaa rabshadaha ku eedeysay mintidiin islaamiyiin ah iyo gooni-u-goosato.

Laakinse kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegayaan in deganaansho la’aanta ay keeneen siyaasado cabburin ku dhisan, kuwaasoo ku jiiday xagjirnimo qaar ka mid ah dadka Uighurs.

Xannibaadyo adag ayaa horeba uga jiray Xinjiang. Wakaaladda Reuters ayaa sheegaysa in shuruucda cusub ay sidoo kale mamnuucayaan:

  • In aan loo ogolaan carruurtu inay iskuullada dawladda aadaan.
  • In aan la adeecin siyaasadaha qorshaynta qoyska.
  • In si ula kac ah loo waxyeeleeyo dukumenti dawladeed.
  • In guurka lagu saleeyo diinta.