Toban Ruux oo ugu geeriyooday Xanuunka Shubanka Gobolka Bakool

Toban ruux ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ugu geeriyootay xanuunka shuban biyoodka tuulada Caato ee ka tirsan Gobolka Bakool, iyadoo ay jiraan kuwa kale oo iminka la ildaran xanuunkasi.

 Guddoomiyaha Tuulada Caato ee ka tisan gobolka Bakool Wardheere Ducaale oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in bulshada deegaanka aysan heysanin xarumo caafimaad oo lagu dabiibayo dadka uu soo ridanayo xanuunkan, waxaana uu intaa ku daray inay jiraan meelo kale oo ay kaalmo ka helaan.

Wardheere Maalin ayaa xusay in oday 80 jir ah uu xalay magaalada ugu geeriyooday xanuunka shuban biyoodka, waxaana uu intaa ku daray in kuwa iminka uu soo ritay xanuunkan ay isugu jiraan dad da’ah iyo carruur shanta sano ka hooseysa.

Guddoomiyaha Tuulada Caato ee ka tisan gobolka Bakool ayaa dowladda Federaala ah iyo hay’adaha samafalka ka codsaday inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka uu soo ridanayo xanuunka, taasi oo ay u sii dheertahay abaarta ka jirta gobolka.