Ashkir Nuur iyo Shiikh Aduunyo ma kula tahay in ay wax soo kordhin doonaan?

Madaxweyne Gaas waxuu magacaabay saakay wasiiru Dawlayaal iyo wasiiro ku xigeeno.

Waxaa ugu muhiimsanaa raga la magacaabay wasiir ku xigeenka Warfaafinta oo loo magacaabay suxufiga soo jireenka ah Cabdirisaaq Sh,Aduunyo.

Cabdirisaaq Sh,Aduunyo waa nin saamayn leh,waliba beeshiisa ku dhex leh miisaan uu wax uga badali karo xaalad markaa taagan.sidoo kale waa masuul saxaafada waxbadan kala socda oo mudo kusoo dhex jiray .

Waa bogaadinaynaa,sidoo kale waa ka sugaynaa isbadalka uu ku sameeyo saxaafada Puntland ee liidata maanta.

Masuulka labaad ee ee xilka loo magacaabay waa Ashkir Nuur oo horayn u ahaan jiray Agaasimihii Tv-ga Puntland.

Ashkir ayaa loo magacaabay hada Wasiiru-dawlaha Wasaarada Warfaafinta Puntland.

Ashkir waxaa lagu xasuustaa sidii uu ugu fashilmay hogaamintii tv-ga oo uu xiligaas dhulka ula galay.

In maanta dib loogu magacaabo xil ka miisaan culus kii u ku fashilmayna waxay ka dhigan tahay maahmaahdii ahayd,

”Ninkii waxaraha ku filnaan waaya somalidu waxay udirsataa Nirgaha”,taasoo macnaheedu yahay in aan dawaba la rabin ee wax lasii murginayo.

Isku soo wada duuboo xilalkan Madaxweynuhu maanta magacaabay waxay ka dhigan yihiin marka loo eego sida loo magacaabay iyo masuuliyiinta loo magacaabayba kuwo aan looga gol lahayn waxqabad iyo maamul sixid nidaam.

Jibril Qoobey.