Madaxweyne Gaas oo magacaabay wasiiro ku xigeeno iyo wasiiru dawlayaal

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne Lr.39 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabis Wasiiru Dawlayaal iyo Wasiiro Kuxigeeno.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey.                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Markuu latashaday:             Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

 

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdiweli Seed Cilmi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

 

  1. Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuur loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

 

  1. Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Sheekh Aduun) loo magcaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

 

  1. Waxaa Nuur Axmed Yuusuf loo magcaabay Wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha.

 

  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

 

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WAR-FAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.