Video:-Wasiirkii hore ee Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo maanta muqdisho ku geeriyooday

Alle ha u naxariistee Nuur Faarax Xirsi ayaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumaddii hore uu Ra’isul Wasaaraha ka ahaa Cumar C/rashiid.

 Wasiirka ayaa muddooyinkan ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho waxa uuna yaalay Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagula tacaalayay xanuunkiisa.

Waxaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho Wasiirkii Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xirsi, waxaana aaska ka qeyb gali doono mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Golaha Xukuumada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Nuur Faarax Xersi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gadiidka Badda ee xukuumadii hore.

“Aadbaan uga naxay geerida Nuur Faarax Xirsi, waxaana alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno siiyo, Samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii uu ka baxay” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay inuu ahaa Nuur Faarax shaqsi howlkar ah oo daacad ah, isla markaana qeyb weyn ka qaatay sidii dalka horumar loo gaarsiin lahaa.

Innaa Lillaahi wa innaa illeyhi raajicuun.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka dardaarankisii