Wariye Hanad oo laga badaadiyay kooxihii afduubtay

Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose,ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka soo badbaadiyeen weriye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog.
 
Weriye Hanad ayaa shalay waxaa laga afduubtay duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo uu deganaa.
 
.Weriye Hanad ayaa lagu soo warramayaa in Isaga oo nabadqaba uu hadda ku jiro gacanta ciidamada amniga ee Afgooye,
 
Ciidamada amaanka maamulka Degmada Afgooye ayaa sidoo kale- soo qabtay raggii ka danbeeyay afduubka weriyaha.
 
Saraakiisha amniga ayaa caddeeyay in ay sharciga marsiin doonaan kooxda afduubka geysatay ee la qabtay.
 
Illaa iyo hadda lama sheegin sababta ka dambeysay afduubka loo gaystay weriye Hanad.