Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo oo maanta u safri doona imaaraadka

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa la filayaa in ay maanta u safraan dalka Isutaga Imaaraadka Carabta,gaar ahaan Magaalada Dubai.
 
Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa waxaa kaga sii horeeyay Imaaraadka carabta wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ay qayb ka yihiin Wasiirada Maaliyada iyo Dekedaha,kuwaasoo sii waday dhiraarinta iyo ka xaajoodka sidii Dekeda Bosaso loogu wareejin lahaa Shirkada DP World.
 
Waxaa la filayaa tagida Madaxweynaha ee xiligan in ay noqoto safarkii ugu danbeeyay ee uu ku soo saxiixi lahaa heshiis rasmiya oo dhexmara Puntland iyo Shirkada DP World.
 
Madaxweyne gaas ayaa horay usheegay mar uu kasoo laabtay safar shaqo oo uu ku tagay Imaaraadka iyo Itoobiya, in dhiraadhirinta mashruuca dekeda bosaso uu uga soo tegay wefti uu hogaaminayo guddoomiyaha barlamaanka Axmed Cali Xaashi,oo qayb ka yihiin wasiirka maaliyadda Puntland C/laahi Sheekh Axmed iyo wasiirka dekedaha Siciid maxamed Raage.
 
Shacabka Puntland ayaa isha ku haya waxa kasoo baxa safarka madaxweynaha ee Imaaraadka carabta.