Markab Hindiya laga leeyahay oo xeebaha Soomaaliya lagu qafaashay

Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa maalintii Sabtida ee ina dhaaftay ka afduubtay doon ganacsi oo ku socotay dekada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, xeebaha magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Ganacsatada reer Kismaayo ee ay u rarnayd doontan ayaa ka dalbaday kooxda burcad badeedka ah inay si shuraad la’aana ku sii daayaan shaqaalaha iyo doontaba. Waa afduubkii labaad ee sanadkan gudihiisa ay sameeyaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, xili ay hoos u dhaceen hawgaladooda wax afduubashada sedexdii sano ee la soo dhaafay.Ma cadda meesha uu markabku ka yimid, meesha uu u socday iyo meesha hadda lala aaday toona.

Warbaahinta Hindiya waxay sheegtay in markabkaas ay saarnaayeen 11 ruux lana qafaashay Sabtidii.

Bishii hore ayay budhcad badeedu ku guulaysteen afduubkii u horeeyay ee ay u gaysteen markab ganacsi oo wayn tan iyo sanadkii 2012kii.