Somaliland oo sii daysay 10-maxbuus oo Burcad Badeed ah

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Somaliland Axmed Faarax Cadare ayaa sheegay in toddoba maxbuus oo budhcad badeed ah oo dhamaystay mudaddii xukunkoodda la siidaayey,isla markaaana dib loogu celiyey deegaanadii ay ka soo jeedeen.

Maxaabiistan ayaa la sheegay in dhaqan celin la siiyey,isla markaaana waxbarasho ku dhex qaateen xabsiga dhexe ee magaaladda Hargeysa, waxaana hore maxaabiistan Somaliland ugu soo wareejiyey Maxkamadda sare ee Seychelles ka dib markii maxaabiista loo soo bandhigay xabsiga ay ku dhamaysan karaan xukunkoodda.

Maxaabiistan waxa magaaladda Hargeysa lagu soo wareejiyey December 2012, waxaana la sheegay inay dhamaysteen xukunkooddii tobanka sanno ahaa ee wakhtigaasi lagu xukumay, waxaana u kala dhasheen maamulka Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya.

“Somaliland iyo Seychelles, iyagoo ahmiyada sinaaya horumarinta hannaanka kala-wareejinta maxaabiista, si loo dhiirigeliyo dhaqan-celinta maxaabiista xukumay, iyagoo fursad loo siinaayo in ay xukunkooda ku dhamaystaan dalalkooda amma dal dhaqan ahaan iyo diin ahaan ay fahmayaan, ayaa ujeeddadan tarteed ay is-afgarad u wada galeen labada dawladood 2011 si loo soo wareejiyo maxaabiista budhcad-badeeda Soomaalida ah, xukunkooda inta hadhayna ugu qataan Xabsiga Hargeysa”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay wasiirka Cadaaladda Somalialnd Cadare.

Waxaanu intas ku daray “Sidaa darteed, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladdu waxa uu amray sii daynta 7 maxbuus oo xukunkooda ku dhammaystay Xabsiga Hargeysa (Max buus kasta wuxuu ku xukunaa 10 sanndood oo xadhig ah, waxaana xukuntay Maxkamadda Sare ee Seychelles, iyadoo Hargeysa loo soo wareejiyey December 2012”.