Video:-Trump”Hadii Shiinuhu xalin waayo arinta K,waqooyi anagaa faraha la galayna’

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa tilmaamay in dalka Mareykanka oo keliya uu u diyaar garoobi doono sidii uu tallaabo uga qaadi lahaa khatarta nukliyeerka ee kaga imaan karta dalka Kuuriyada Waqooyi.

Trump oo wareysi siiyay wargeyska The Financial Times ayaa laga soo xigtay isagoo leh in hadii Shiinuhu uu xallin kari waayo arrinta Kuuriyada Waqooyi ay taasi noqoneyso in Mareykanku uu faraha la soo galo.

Tijaabadii nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ee dhawaan ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan Madaxweynaha Mareyknaka iyo dhigiisa dalka Shiinaha Xi Jinping kahor kullanka toddobadkan ka dhacaya gobolka Florida.

La taliyaha dhinaca ammaanka ee Madaxweyne Trump ayaa haatan ku howlan sidii uu u dhameystiri lahaa tallooyin dhowr ah oo ku aadan xaalada kuuriyada waqooyi kahor inta aanu Trump safarkiisi ugu horeeyay ku tagin qaarada Asiya.

Xoghaya arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson ayaa isna waxaa uu dhankiisa sheegay in siyaasadii reer galbeedka ee Kuuriyada Waqooyi ay guul dareysatay 20kii sanno ee la soo dhaafay.

Horaantii sannadkii hore ayay aheyd markii golaha amnaanka ee Qaramada Midoobeey ay si wada jir ah u cambaareeyeen dowladda Kuuriyada Waqooyi oo xiligaas tijaabisay gantaallada riddada dheer.

Waxaana xukuumadda Pyongyang oo dhowr jeer tijaabisay gantaalo nukler ah ayaa lagu eedeeyay inay faraha kula jirto qorshe halis ah oo aad u xun.

Hasayeeshee Pyongyang waxa ay dhankeeda sheegtay in tijaabada gantaallada ay qeyb ka tahay barnaamijkeeda hawada.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 1aad

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad