Burcad badeedii Soomaaliya oo soo rogaal celisay dardar cusbna la timid

Wararka ka imanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in dooni kuwa ganacsiga ah lagu afduubay xeebaha Soomaaliya, loona malaynayo in dadka afduubay ay yihiin burcad badeed Soomaali ah.

Doontan ayaa la sheegay inay ka diiwaan gashan tahay dalka Hindiya, waxaana la sheegay inay la socdeen 11 qof oo shaqaale ah, oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin dalalka ay u dhasheen, inkasta oo wararka qaarkood ay sheegayaan inay u dhasheen dalka Hindiya.

Doontan ayaa magaceeda lagu sheegay MSV Al Kawsar 2, waxaana la sheegay inay ka timid magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo ay soo martay Mukalla una socotay magaalada Kismaayo.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in doontan xilligan lagu hayo meel u dhow xeebta magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Maraakiibta caalamiga ah ayaa ayaa la sheegay inay deegaankaasi ka ag-dhow yihiin.

Dhinaca kale doon kale oo labaad ayaa la sheegay in maanta laga afduubay xeebaha Soomaaliya. Doontan labaad ayaan weli la ogayn halka ay ka diiwaangashan tahay. John Steed oo ka tirsan hay’adda Oceans Beyond Piracy ayaa VOA u sheegay in doontan labaad uu iska leeyahay ganacsi u dhashay dalka Pakistan balse aan weli la ogayn shaqaalaga saaran, halka ay ka timid iyo meesha ay u socotay.

Waa markii afraad ee doonyo lagu afduubo xeebaha Soomaaliya xeebaha Soomaaliya bil gudaheed, waxaana wararku sheegayaan in tallaabooyinkan u muuqdaan soo rogaal-celiska burcad badeedka ay salka ku hayaan kalluumaysiga sharcidarrada ah, sida ay khubarada qaar ku doodeen.

Burcad badeedda doonyahan haysata ayaa la sheegay inaysan weli sheegin waxa ay doonayaan si ay usii daayaan doonyahaas.