Maraykanka oo la laabtay dhaqaale uusan jiray Qaramada midoobey

Dowlada Maraykanka ayaa kala laabatay lacagihii deeqaha ahaa ee ay siin jirtay laanta dadwaynaha ee Qaramada Midoabay islamarkana taageerada siin jirtay barnamijka qorshaha qoyska guud ahaan caalamka .

Tilaabadan ayaa hay’adani qaramada midoobey waxa ay ku luminaysaa sanadkan oo kaliya lacag dhan 32 milyan oo doolarka maraykanka ah .

Wasaarada arimaha dibada ee Maraykanka ayaa sheegtay in sababta ay lacagta ugala laabateen ay tahay in hay’adani ay taageerto qorshaha dowlada Shiinaha ee ay dadka ku qasbto in caruurta ay iska soo xaaqaan .

Hay’ada Qaramada Midoobay ee ka shaqaysa arimaha dadwaynaha ayaa waxa ay sheegtay in aysan taageerin aysana hormarin iska soo xaaqida caruurta islamarkana aysan jabin shuruucda Maraykanka .

Horaantii sanadkii la soo dhaafay ayuu madaxwayne Trump waxa uu dib u soo celiyay mamnuucida in dowlada Maraykanka ay wax deeq ah siiso hay’ad waliba oo caalami ah islamarkana bixisa ama ku talisa adeegyada iska soo xaaqida caruurta.