Qaraxii Ruushka oo khasaarihisii sii balaartay

Xukuumada Ruushka ayaa shaca ka qaaday in 51 qof lagu daweeyay isbataalada. Ka dib qarax ka dhacay goob laga raaco tareenada dhulka hostiisa mara magaalada St-Petersburg .

Dad gaaraya 11 qof ayaa ku dhintay qaraxani oo ay dacwad soo oogayaasha sheegeen in ay u arkaan fal argagixiso .

Warar ay qorayaan qaar ka mid ah saxaafada oo soo xiganaya ila wareedyo dhanka amaanka ah ayaa sheegaya in laga yaabo in uu qaraxani ahaa mid uu gaystay qof isku soo xiray banbaano. Kaasoo ay suuragal tahay in bartamaha Asia uu ka soo jeedo.

Dowlada Maraykanka ayaa balanqaaday in ay Ruushka gacan ka siin doonaan baaritaanada qaraxani .

Madaxwayne Trump ayaa waxa uu u balanqaaday dhigiisa Ruushka in dowlada Maraykanak ay ka caawin doonto Ruushka sidii cadaalada loo hor keeni lahaa kuwii ka danbeeyay qaraxani .

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in labada hogaamiye ay isku afgarteen in argagixisada hal meel looga soo wada jeesto .