Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo maanta maxkamad lasoo taagayo

C/maalik Muuse Coldoon ayaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah la soo taago Maxkamad ku taal magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somaliland.
C/maalik Coldoon ayaa muddo 47 cisho ah xiran, iyadoo aan wax maxkamad ah la soo taagin, balse dhowr jeer oo maxkamad la soo taagi lahaa dib loogu celiyay xabsiga.
Maxkamadeynta maanta ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan eheladiisa, waxaana u doodi doona qarreeno loo qabtay.
 
Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa ku soo oogtay dacwado ah inuu ku kacay falal ka soo horjeeda madax banaanida Somaliland, isla markaana uu baahiyay warar been abuur ah oo khal khal gelinaya nabadgelyada Somaliland.
 
Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu bartiisa Facebook ku aflagaadeeyay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, iyo ka hadalka arrinta Dekeda Berbera iyo Saldhiga Berbera oo Somaliland heshiis kula gashay Imaaraadka.
 
C/maalik Muuse Coldoon ayaa xabsiga la dhigay, kaddib markii uu ka soo laabtay magaalada Muqdisho, isagoo ku sugnaa magaalada xilligii doorashada ay dhaceysay, waxaana uu ka mid ahaa taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo.
 
Si kastaba ha ahaatee xariga wariye Coldoon ayaa waxaa cambaareeyay dad kala duwan, waxaana dhowr jeer maamulka Somaliland loogu baaqay inay sii daayaan.