Dawlada Fadaraalka oo xaqiijisay in heshiiskii Diyaaradaha ee Kenya uu sidisii yahay

Muqdisho, 05 April 2017 – Shalay oo ay taariikhdu aheyd 4ta April 2017 waxaa dhacday in labo diyaaradood oo u socday Nairobi ay sii mareen Wajeer, halka labo kalena ay si toos ah u aadeen Nairobi.

Dowladda Federaalka oo baaris sameysey ayaa waxaa lagu ogaaday in sababta labada diyaarad loo marsiiyey Wajeer ay aheyd cilad farsamo ee la xiriirta xiriirka Saadaasha Hawada iyo ruqsada duulimaadka oo haba yaraatee aysan wax lug ah ku laheyn heshiisyadii Soomaaliya iyo Kenya dhex maray ee ku aadanaa in diyaaradahu ay si toos ah u aadayaan Nairobi.

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an oo ay marwalba diyaar u tahay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu bandhigi lahaa xaqiiqada ku hareereysan dhacdadii shalay oo ay labada diyaaradood ku mareen Wajeer. Dowladdu waxey xooga saari doontaa in shirkadaha diyaaradaha ay hubiyaan ka hor inta aysan ka duulin gegida diyaaradaha Muqdisho inay heystaan fasixii iyo dokumentigii aasaaska u ahaa duulimaadkooda, si aysan shacabka Soomaaliyeed ee rakaabka ah aysan ula kulmin daahis iyo culeys.

Dhamaad

Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha
media@moi.gov.so