Sawiro:-Qarax xoog leh oo goor dhawayd ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Shangaani ee ayaa ku waramaya in qarax xooggan uu daqiiqad ka hor ka dhacay meel maqaayad ah oo ku taalla halkaas.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhashay gaar walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay albaabka hore ee maqaayad ku taalla ka soo horjeedka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha.
 
Qaraxa ayaa dhacay xilli ay dad badan maqaayadda u fadhiyeen cunista qadada oo waqtigeeda la joogay. Waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dad badan ay dhimasho iyo dhaawac kala kulmeen qaraxa.
 
Ciidamada amniga ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay iyo agagaarkeeda, halkaas oo ay hadda ka socdaan baaritaanno qaraxa xog looga raadinayo.